Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Taliyaasha Milatariga iyo Booliiska oo qiimeyn ku sameeyay Amaanka Wadada isku xirta Muqdisho iyo …

Taliyaasha ciidanka Milatariga iyo Booliiska Soomaaliya ay wehliyaan saraakiil kale ayaa kormeer qiimeyn ah waxa ay ku tageen fariisimo ciidanka dowlada kaga sugan yihiin degmada Afgooye.

Taliyaasha ayaa sidoo kale qiimeyn ku sameeyay amaanka wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye oo mararka qaar ka dhacaan falal amaan daro sidoo kale lasoo dhigto isbaarooyin.

Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe iyo Janaraal Bahiir Ameeriko ayaa kala hadlay saraakiil iyo ciidamo ay la kulmeen sidii ay u xoojin lahaayeen amaanka ugana hortagi lahaayeen kooxaha nabad diidka ay ku sheegeen.

Kormeerka ay Afgooye ku tageen taliyaahan ciidanka dowlada katirsan ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay Afgooye ka socdeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo kadib markii degmadaasi kusoo kordheen dilal qorsheesan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qadar oo soo bandhigtay Diyaarado dagaal oo ay soo iibsatay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xukun Dil ah oo maanta lagu fuliyay nin Hooyadiis dil argagax lahaa u geestay

Cabdi Cade

Kumaandoska Danab oo 17 dagaalyahan ka dilay Duleedka degmada Bu’aale (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---