Allbanaadir.com
NEWS

Tirinta Codadka wareega labaad oo soo dhamaatay (Akhriso sida codadka loo kala helay)

Waxaa soo dhamaatay tirinta codadka wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana wareega labaad ee doorashada isugu soo haray Sadex Musharax .

Wareega labaad ee Doorashada Madaxweynaha Puntland waxaa  hogaaminaya Musharax Asad Cismaan oo helay 30-cod halka Musharax Saciid Cabdulaahi Dani  uu isna helay 29- cod..

Wareega sadexaad ee doorashada waxaa isaga haray Musharax Faarax Cali Shire oo helay codad gaaraya 7-cod , waxaana wareega sadexaad ee ugu dambeeya usoo gudbay labada Musharax ee kala ah Asad Cismaan Diyano iyo  Saciid Dani .

Doorashada ayaana lagu kala bixi doonaa wareega ugu dambeeya, iyadoona uu guuleesan doono musharaxii cod bata, waxaana guusha heli doona Musharaxa uu taageero Faarax Cali Shire oo wareega Sedexaad ku haray .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Kenya iyo Antony Blinken oo kawada hadlay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade

Dhaqtar ku kacay fal dhaqanxumo ah oo shaqada laga joojiyay

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo safar dhulka ah ku maray degaano laga saaray Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---