Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo safar dhulka ah ku maray degaano laga saaray Al-Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray deegaanada qurax-madoobe, Biya cade, Miirtaqwo iyo Ceelbaraf.

Degaanadan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa ka mid ah kuwii dhowaan laga saaray kooxda Al-shabaab

Madaxweynaha oo socdaalkaan ay ku wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Guuuto Odawaa Yuusuf Raage, iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada isagoo ku bogaadiyay howlaha amniga iyo xaqiijinta amniga deegaanadaan.

Cali Guudlaawe ayaa goob fagaare ah kula hadlay Boqolaal ciidamo deegaanka ah oo u soo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada deegaanada Hirshabeelle looga ciribtirayo alshabaab.

Waxa uu faray inay xaqiijiyaan nabada deegaanadaan isagoo ku adkeeyay inay baacsadaan wax uu ggu yeeray haraadiga kooxada khawaarijta ah.

Related posts

(Video) Warar cusub oo ku saabsan dibed baxyadii looga horjeeday Farmaajo & Warbixino kale oo xiiso badan

admin

Baarlamanka Isbedel-doonka Jubbaland oo Kismaayo ku doortay guddoon cusub

Caydiid Ali

Guddoomiye ku xigeenka BFS oo faahfaahisay qaabkii looga soo celiyey Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---