Yaa ku guuleesan doona Doorashada Madaxweynaha Puntland Asad Diyaano iyo Saciid Dani ?

Waxaa goordhaw bilaabatay wareegii ugu dambeeyay doorashada Madaxweynaha Puntland, waxaana wareega ugu dambeeya isugu soo haray Musharax Asad Cismaan Diyaano iyo Musharax Saciid Cabdulaahi Dani.

Labada Musharax ayaa wareega labaad helay codad aad isugu dhaw waxaana kaliya u dhaxeeyay hal cod, waxaana wareega sadexaad uu noqon doonaa midka ugu dambeeya oo lagu kala bixi doono cod hal dheeri ah.

Musharax Asad Diyaano iyo Saciid Dani ayaa waxaa ku guuleesan doona midka hela taageerada Musharax Faarax Cali Shire oo ku haray wareega labaad isagoona helay 7-cod, waxaana la saadaalinayaa Musharax uu Faarax taageero in doorashada kusoo bixi doono.

Wali wey adag tahay in la saadaaliyo Musharaxa ku guuleesan doona Madaxweynaha Puntland maadaama labada Musharax ay aad isuu dhaw yihiin,lamana oga midka heesta taageerada Musharax Faarax Cali Shire.

Waxii kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

- Advertisement -