Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Gudoomiyay kulan looga hadlay arin muhiim ah (Daawo Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa  guddoomiyay kulanka guddi hoosaaska golaha wasiirrada ee tubta amniga iyo caddaalada oo looga hadlay qorshaha tubta ee sannadka 2019.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedadiisa ugu wayn ay ahayd in la isla garto shaqooyinka u yaalla tubta kuwa ugu mudnaanta badan ee la doonayo in sannadkaan gudihiisa lagu fuliyo.

Mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa sheegay in dhammaan wasiirrada qaybta ka ah tubta amniga iyo caddaalada ay shirka kusoo bandhigeen qorshayaasha muhiimadda u leh, kadibna si qota dheer looga dooday.

Isla xisaabtanka uu Ra’iisul wasaaruha xukuumaddu ku kor joogteeyo shaqooyinka wasaaradaha oo markii hore lagu saleeyay wasaaradaha, ayaa loo bedelay tubaha, waxaana maalamaha soo socdana uu Ra’iisul wasaare Khayre sidaan oo kale ula kulamayaa guddi hoosaadyada golaha wasiirrada ee tubaha horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda loo dhanyahay si la isula meel dhigo shaqooyinka hor-tebinta leh ee sannadkaan u qorshaysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jawar Maxamed iyo Xubno kale oo lagu soo oogay dacwado la xariira argagixisinimo

Cabdi Cade

Isra’il oo weerar aargoosi ah ku qaaday Iran iyo xogta goobaha ay weerareen

Cabdi Cade

Ciidamada Badda Iran oo qabsatay Markab laga leeyahay dalka Britain

Cabdi Cade
Taboola Ads ---