Ciidamada Badda Iran oo qabsatay Markab laga leeyahay dalka Britain

Dowlada Britain ayaa ku eedeesay ciidamada Kacaanka dalka Iran in ay qabsadeen Markab nuuca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalkeeda, Markabkan ayaana xiliga la qabsanayay marayay Marinka Hormuz.

Markabkan oo lagu magacaabo Stena Impero ayaa waxaa qabsaday ciidamo watay afar doon iyo Diyaarad nuuca Qumaatiga u kaca , waxaana ciidamada qabsaday Markabka la sheegay in ay kamid yihiin kuwa Badda ee dalka Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, Jeremy Hunt, ayaa ugu baaqay dowlada Iran in ay sii deyso Markabka , waxa uuna sheegay Wasiirka in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto hadii Iran aysan sii deyn Markabka.

Markab labaad oo laga leeyahay dalka Britain balse ku safrayay calanka Dalka Liberia ayaa sida kale gacanta ku dhigeen ciidamo hubeesan oo doonyo watay, Markabkaas ayaana la sheegay in markii dambe la sii daayay safarkiisama sii watay.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in markabka Britain loo qabtay saddex shuruuc oo uu jabiyay awgeed, waxaana Markabka la sheegay in uu damiyay  khadka GPS ee lagu ogaado hadba meesha uu markabka marayo.

Markabkan ay qabsadeen Ciidamada Iran ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu marayay meesha looga baxo marinka Hormuz halkii uu mari lahaa barta laga soo galo, waxaa sidoo kale Warbaahinta Iran sheegtay in markabku uu iska dhegatiray digniino loo jeediyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -