Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland

Waxaa daqiiqado kadib lagu wadaa in magaalada Garawe si toos ah uga bilaabato doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland ay ku tartamayaan in ka badan 30-Musharax.

Musharaxiinta tartameysa iyo Xildhibaanada Puntland ee codkooda lagu kala baxayo ayaa hada kuwada sugan hoolka ay ka dhaceyso doorashada, waxaana doorashada ay tahay mid xamaasad gaar ah leh oo wali adag tahay in la saadaaliyo ruuxa kusoo baxaya.

Qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Puntland ayaa saacadihii ugu dambeeyay sameeyay ololihii ugu xooganaa ee ku kasbanayeen Xildhibanaada Puntland ee maanta xulanaya Madaxweynaha hogaamin doona.

Codadka Xildhibaanada ayaa inta badan lagu kasbanayay dhaqaale xoogan iyo balan qaadyo, lamana oga midka Xildhibaanada uga dhabeyn doonaan balan qaadka ay u wada sameeyeen Musharaxiinta ay lacagaha badan ka qaateen.

Hoolka doorashada ka dhaceyso waxaa ku sugan masuuliyiin kala duwan ay ku jiraan Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka , xubno kor joogto ah , qaar kamid ah Isimada maamulka Puntland iyo marti sharaf kala duwan.

Amaanka magaalada Garawe ayaa saakay aad loo adkeeyay, mana jiro wax gaadiid ah oo magaalada loo ogol yahay in ay dhax maraan marka laga reebo gaadiidka ay wataan masuuliyiinta iyo musharaxiinta.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -