Nin Tareen Jiiray Xili uu Muuqaal iska duubayay !!(Daawo Sawirro)

Nin Dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa tareen xoowli ku socday jiiray xili uu ku mashquulsanaa in uu iska duubo muuqaal, waxaana dhacdadan si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

Ninkan  ayaa tagay wado tareenada maraan waxa uuna bilaabay in uu muuqaal iska duubo xili uu tareen kusoo dhawaa, waxaana ninkan oon dareen ka muujin halista noloshiisa kusoo wajahneyd ku mashquulay in uu Muuqaal iska duubo.

Muuqaal laga duubay ninkan oo soconaya 21 ilbiriqsi ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, waxaana ninkan oo tareenka jiiray dhaawac culus uu kasoo gaaray dhinaca madaxa, isagoona lagu tilmaamay nin nasiib badan oo geeri ka bad baaday.

Ninkan shilkan tareen ka bad baaday oo kunool magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa lasoo taagay Maxkamad , waxaana ugu dambeyn maxkamada kiiskiisa qaadeysay ku riday ninkan xukun .

Dalka Hindiya ayaa noqday halka ugu badan ee ku geeriyoodeen dad ku mashquulsanaa in sawiro iska qaadaan, waxaana dhalinyaro badan jiiray tareeno xili ay sawiro ku galayeen marinka tareenada maraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -