Waa Tuma Inanta Gaashaanka U Daruurtay Damacii Kenya ku dooneysa Badda Soomaaliya ?

Shirweynihii 67aad ee Golaha Guud ee Qaramada Madoobay – September 2012, ayuu Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud kula kulmay New York Qareenkii soo dhiciyey badda Soomaaliyeed. Kenya oo ka faa’iideysanaysa burburka dalka ayaa isku dayday inay sohdin-badeedka beddesho qiilna ka dhigto heshiiskii is-afgaradka iyo aamusnaantii Soomaaliya.

Dr. Cilmi Axmed Ducaale Ergayga Soomaaliya u fadhiyay QM ayaa Fawzia Xaaji Aadan oo ahayd Wasiiradda Arrimaha Dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) usoo jeediyay inay la kulanto Muna Maxamed Cali Al-Sharmaani oo ay labadoodaba qoyskeeda macriifo yihiin.

Muna Sharmaan oo tan iyo 2001 ka tirsanayd shirkadda qareennada “Weil, Gotshal & Manges” ee New York ayaa ka mid ahayd lataliyeyaasha hay’adda sharciga badda ee QM “UNCLOS”.

Inta aysan dib ugu laaban Jaamacadda Johns Hopkins oo ay ku sameeysay baris cilmiyeedkeedii PHD kana soo qalan-jibin Harvard Law School ayey Muna Sharmaan oo ka soo aflaxda Ohio State University ka tirsanayd ergayda Soomaaliya ee QM.

Qareenka oo u xog-waramaysay Xasan Sheikh Maxamuud oo aan hore u aqoon ku adkeysay inuu si degdeg ah u raadsado xeel-dheereyaal sharci. Sida uu laftiisa munaasabadii calanka iyo guusha badda ka sheegay waxuu Muna Sharmaan ku yiri “lagama xigo qadiyadda [soo dhicinta badda]”.

Inkastoo gabadhu ku barbaartay Masar kagana baxday Cairo University waxay ka dhallatay qoys waddaniyiin ah weligeedna waxaa ka go’neyd inay u adeegto dalkeeda. Taas ayaa ku dhiirriggelisay inay u istaagto qadiyadda soohdinta badda ee dalka kala dhexeyso Kenya, Seychelles, iyo Yaman ayuu yiri nin saaxib dhow la ah qoyskeeda.

Si isku aragti looga noqdo difaaca qaranka ayey diiradda saartay wacyiggelinta hoggaanka dalka. Marwo Fawzia oo warbaahinta Ileys wareysi siisay ayaa sheegtay in, “Xasan Sheikh uu ka baqayay eedeeynta barlamaanka.”  Sidoo kale, Shariif Sheikh Axmed oo u dabaaldeggeyey guusha ayaa sheegay in “lagula taliyey [hoggaanka dalka] inaysan ka hadlin muranka badda.”

Mowqifkii waxuu isbeddelay habeenkii June 5, 2013 oo ay Muna Sharmaan iyo khubaro ku xeel-dheer sharciyadaba oo ay ka soo uruurisay ilaa Australia Villa Somalia ku siiyeen xubno ay ka mid yihiin hoggaanka baarlamaanka, wasiirro dhowr ah, xeer-ilaaliyaha guud, iyo muwaaddiniin kale warbixin aysan hore u maqal.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaankaba ka ansixiyey hindise-sharciyeed dib-u-soo-nooleeyay go’aankii DHAXAL DOON ee August 1, 2009 ka dhigay “null and void” heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya.

Inkastoo qaraaka Dhaxal Doon uusan lahayn sharciyad adag, haddana shaxda Muna Sharmaan waxay ahayd in Kenya la soo fadhiisiyo miiska lana beeniyo dacaayadda lahayd “Soomaaliya ayaa raali ka ah soohdinta cusub.”

In wadahadal laga furo arrinka ayay Kenya hortaagneyd ilaa guddiga “UNCLCS” uu hawshiisa dhammeysto. Waxay dalabkeedii qolfoofta uu gudbisay guddiga May 11, 2009 waxaana madal loo qabtay September 5, 2014.

Ilo xog’ogaal ah, ayaa sheegaya in Muna Sharmaan oo kaashanaysa Xeer-Ilaaliyaha DFS, Axmed Cali Daahir ku wargelisay dhammaan shirkadaha shidaalka ka baarayey aagga biyaha Soomaaliya inay si degdeg ah u joojiyaan howlahooda markay Kenya ka meermeersatay wadahadalladii.

Halkaas waxaa ku gubtay turubkii luggooyada. Inkastoo ENI Energy ka madax adeegtay baaqii, haddana shaxdu waxay ku dirqisay Kenya wadaxajood oo shardi u ahaa geeddi socoka dacwad oogista.

Laba kulan oo ka dhacay Nairobi markii wax horumar ah lagu gaari waayay midkii saddexaad ee Muqdisho-na uu burburay ayey Qareen Muna Sharmaan u wareejisay gogosha Jabuuti inta aysan horgeyn August 14, 2014 Maxkamadda ICJ dacwad ka dhan ah Kenya.

Bartamihii​ May 2020 ayaa faro isku fiiq bilawday kaddib markii ay soo yeertay in Muna Sharmaan laga saaray qareennada difaacayey kiiska. Nin aan doonaynin in warbaahinta ay adeegsato magaciisa ayaa sheegay in Muna Sharmaan aan la eryin una xilan dheef, balse inta ay gacanta ku haysay kiiska ayuu Bankiga Adduunka qaatay, taasoo u sahashay inay u guurto Vienna si ay ugu dhawaato maxkamadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxuu siiyeen kalsooni buuxda oo aan ka dhicin tii Xasan Sheikh. Sidaas ayey ku hoggaamisay iyadoo aan ka muuqan muddacii ilaa kiiska guul ku dhammaado.

Balse, xilligii ugu adkaa difaaca ayey hooyadeed Xaawo Xaaji Cali Xuseen iyo Injineer Maxamed Cumar Saalixi wada geeriyoodeen (Alle ha U Naxariiste). Taa waxaa u weheliyay cadaadis uga imanayay sokeeye iyo shisheeye.

Marnaba Kenya kuma fakarin, in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay sidaas ugu mitidi doonaan difaaca baddooda. Waxaa xaqiiqa ah in Muna Sharmaan aysan ku duwin Soomaaliya waddada guusha keliya balse ay dib u soo nooleysay dareenkii waddaninimada. Waxaa dhabawday in Soomaaliya ay leedahay Soomaali. Soomaali ha noolaato.

Xigasho Jamhuuriyadda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -