Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Cabdinuur Cilmi Biindhe oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Maamulka Puntland, Cabdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Geerida Wasiirka waxaa saxaafada u xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaana sida ay sheegeen Wasiirku u dhintay xanuun soo wajahay oo aysan ka bixinin wax faahfaahin ah.

Wasiirka geeriyooday ayaa la sheegay inuu muddooyinkan dambe baaritaano caafimaad u joogay magaalada Muqdisho.

Marxuun Biindhe ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee soo maray Puntland iyo Maamulkii burburay ee Khaatumo oo ka jiray qeybo ka mid ah gobolada Sool iyo Sanaag.

Madaxda Puntland iyo siyaasiyiin badan ayaa ka tacsiyadeeyey geerida wasiirka, iyagoo ALLE uga baryey inuu janadii ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamo Milatari ah oo diidan Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho soo galay

Cabdi Cade

DEG DEG: Dagaal hub culus la isku adeegsanayo oo caawa ka socda degmada Afgooye

Caydiid Ali

Siyaasi Caan ah oo Su’aalo ka keenay Qoraal lagu daabacay Websetka Shirkada Spectrum

Cabdi Cade
Taboola Ads ---