Faah Faahino kasoo baxaya Nin Ajnabi ah oo maanta lagu dilay Muqdisho

Nin Ajnabi ah oon wali dhalashadiisa rasmiga ah la shaacin ayaa maanta lagu dhax dilay xarunta Hay’ada UNICEF ee magaalada Muqdisho.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ninka ajnabiga ah lagu dhax dilay xarunta UNICEF ee kutaala Isgooska Soobe, waxaana dilka geestay sida aan wararka ku helnay mid kamid ah ilaalada xaruntaasi.

Ninka la dilay oo cunto kariye ka ahaa xaruntaasi ayaa wararka qaar sheegayaan in uu dhashay dalka Uganda halka warar kala sheegayaan in uu Kenyan  ahaa, ninkan ayaana katirsanaa Shirkada SKA.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida ayaa gaaray xarunta uu dilku ka dhacay, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in uu baxsaday ninkii dilka u geestay ninka ajnabiga ahaa.

Wali lama oga waxa dhaliyay dilka maanta magaalada Muqdisho loogu geestay ninka ajnabiga ah, laamaha amaanka dowlada Soonaaliya ayaana sheegay in ay baarayaan kiiskan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -