Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo digniin ka soo saaray boobka lagu bilaabay doorashada Golaha shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Waxaa kulanka looga hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka, isagoo ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku inay dhowraan hufnaanta doorashada.

Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay siyaasadda ku milmaan, isla markaana ay u shaqeeyaan Madaxda maamul goboleedyada.

Waxaa uu xusay in cid walba lagula xisaabtamayo Masuuliyada loo xil saaray ee ku aadan hirgalinta doorashooyinka.

Rooble iyo guddiga doorashooyinka federaalka ayaa loo arkaa ineysan awood u laheyn joojinta boobka ay madaxda dowlad goboleedyadu ku hayaan doorashooyinka golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo weli kulamo kala duwan ka wada Washington

Caydiid Ali

Dhimashada cudurka Caronavirus deegaanada maamulka Somaliland oo korortay

Cabdi Cade

Jaamacadaha kuyaala dalka Afganistan oo dhaqan geliyay Amar kasoo baxay Taalibaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---