Ciidamo xoog ku joojiyay Siminaar Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir (Daawo Sawiro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa saakay xoog ku joojiyay siminaar Hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho uga socday dhalinyaro kusoo xubno ka ah xisbiga Mucaaradka ee Wadajir.

Ciidamo booliis ah oo watay gaadiid dagaal ayaa tagay Hotelka Maka Al Mukarama waxa ayna maamulka hotelka ku amreen in ay joojiyaan siminaarka u socday dhalinyarada katirsan Xisbiga Wadajir oo lagu waday in maanta lasoo gabo gabeeyo.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warame ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada booliiska xoog ku joojiyaan Siminaar dhalinyarada Xisbiga Wadajir uga socday Muqdisho.

”Waxaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-mukarama oo maalmahan uu ka socday tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir, booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa cabburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday. Waxaa ii muuqata in kooxda talada haysataa aysan lahayn aragti iyo fikir ay dadka ku qanciyaan, waxay naf bideen qori iyo qalalaase.” Ayuu yiri C/Raxmaan C/shakuur.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan xoog ku joojiyay munaasabado uu xisbiga Wadajir uu hogaamiyo Siyaasiga Mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku qaban lahaa magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -