Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo u baroordiiqeysa Saraakiil looga dilay Gaza (Sawirro)

Xoogaga iska caabinta reer Falastiin ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dilay marinka Gaza saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Israel ee halkaas duulaanka ku galay.

Israel ayaa saaka xaqiijisay geerida Colonel Nir Evrgan kaasoo lugu dilay dagaal ka dhacay xaafada Shujaaciya ee bartamaha Gaza.

Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqay geerida Kabtan Ido Volos kaasoo ku geeriyooday dagaal ka dhacay waqooyiga Marinka Gaza. Waxa uu taliye u ahaa guutada Jerusalem.

Dilka sarkaalkaan ayaa ka dhigan in usbuuc gudihiisa ay iska caabinta dileen in kabada 10 saraakiil iyo askar iskugu jira.

Israel ayaa aas baroor diiq ah maanta u sameysay saraakiishan dhawaan looga dilay iska hor imaadyo ka dhacay marinka Gaza, ehelada saraakiishaan gacanta xamaas ku baxay ayaa goobta joogay ayaagoo ilmada ka daadaneyso.

Guutooyinka iska caabinta ayaa kordhiyey weerarada toos ah, tan iyo todobaadkii hore ciidanka Israel waxaa gaaray khasaarihii ugu badnaa mudooyinkan.

Wargeyska kasoo baxa Israel ee “Yedioth Ahronoth” ayaa daabacay in ciidanka Israel ay wajahayaan qatar ka dhan ah kumaandooska Xamaas isaga oo intaas ku daray in ay wanaagsantahay in laga soo saaro ciidanka guud ahaan marinka Qaza.

 

Related posts

Laftagareen: “Anigu ma codsan muddo kordhin ee Baarlamanka K/Galbeed ayaa sameeyey”

Caydiid Ali

Dood adag oo ka taagan in Gabar noqon karto Qaadiga Muslimiinta dalka Kenya

Cabdi Cade

Qoorqoor & Catriona Lainga oo kormeeray xarunta Q/Midoobay ee Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---