Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hal xabo oo Kalluun ah ma ka bixin laheyd in ka badan Saddex milyan oo dollar? (Sawirro)

Taajir reer Japan ah ayaa lacag dhan $3.1 Milyan oo dollar ku iibsaday kalluun weyn oo ah nooca loo yaqaanno Tuna iyadoo arintan ay ka fajacisay dad badan.

Ninkan ayaa kalluunkaas ka iibsaday bandhigga suug geynta sannadka cusub oo lagu qabtay suuq kalluunka lagu iibiyo oo dhawaan laga furay magaalada Tokyo.

Kiyoshi Kimura, oo ah nin si iskiis ah dhaqaale uga sameeyay iibinta raashinka Japan ayaa horay loogu yaqaanay “Boqorka Tuunada”, ka dib markii uu ku caan baxay iibsashada kalluunka noocaas ah.

Kalluunkan weyn ee uu hadda iibsaday oo culeyskiisu uu yahay 278kg ayaa ah nooca loo yaqaanno bluefin tuna, waana mid halis ugu jira inuu ka dabar go’o dunida.

“Waxaan iibsaday Tuna fiican”, ayuu ku yiri wakaaladda wararka ee AFP, ka dib markii uu soo idlaaday bandhigga suuqa.

Dadka sida jumlada ah wax u iibiya iyo milkileyaasha makhaayadaha cuntada Japan ee Sushi ayaa inta badan lacago faro badan ku bixiya kalluunkaas oo ah nooca ugu fiican, looguna jecel yahay caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo ka hadashay geerida fanaankii caanka ahaa Faarax Siidow Faarax

Caydiid Ali

(Sawirro) Nin kumanaan Km lugeeyey si uu Doha ugu soo daawado Koobka Aduunka

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo eedeyn lala yaabay u jeediyey xeer Ilaaliyaha Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---