C/wali Gaas oo kulan la qaatay gudoonka cusub ee Baarlamanka Puntland (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Puntland.

Kulanka uu Madaxwenaha Puntland la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame waxaa ku wehelinayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa mar labaad ugu hambalyeeyey Gudoonka cusub ee Golaha wakiilada dowladda Puntland guusha ay gaareen, isla’markaana xusey in Puntland ay gaartay bisayl siyaasadeed ayna mudan tahay in looga daydo sida hufnaanta ay u qabsoontay doorshada Gudoonka Golaha wakiillada.

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahadnaqay hambalyada, dhiirigelinta iyo dedaalka uu ugu jiro qabsoomidda doorashada Puntland, waxaana ay xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay gudoonka cusub ee Golaha Wakiilada Puntland in ay ku shaqeeyaan cadaalad iyo hufnaan maadaama ay yihiin indhihii ay fiirsanayeen shacab Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland u sheegay in Puntland ku jirto maalmo taariikhi ah, Isla’ markaana ay mudan tahay in maalmahaasi laga ilaaliyo wax kasta oo carqaladaynaya, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Puntland in ay ka shaqeyaan laamaha amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -