Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo ka hadashay geerida fanaankii caanka ahaa Faarax Siidow Faarax

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida fanaankii Qaranka Allaha u naxariistee, Faarax Siidow Faarax oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cismaan Dubbe ayaa sheegay in fanaanku uu ka mid ahaa hal abuurada ugu waaweynaa oo Qaranka u soo hurey wax kasta, isla markaana dhaxal lama ilaabaan ah uga tagay dadka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah tacsi ugu diray ehelada iyo asaxaabtii uu ka baxay Marxuum Faarax Siidow Faarax.

Allaha u naxariistee geerida Marxuum Faarax Siidow Faarax waxaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Faarax Siidow.

Marxuumka waxa uu ifka kaga tegay hal xaas iyo 13 carruur ah, waxaana magaciisa saxda ah la oran jiray Faarax Cali Faarax, balse waxa uu caan ku ahaa magaca Faarax Siidow Faarax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sawiro ay Wada galeen Ra’isul Wasaare Rooble iyo Yaasiin Farey oo hadal heyn abuuray

Cabdi Cade

Ajaaniib dooneysay in Al Shabaab ku biiraan oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la hadlay ardayda Jaamacadda PSU (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---