Abdirahman Abdishakur oo shaaciyay sadex Sabab uu u taageeri waayay Go’aankii dowlada ku ceyrisay Haysom

Abdirahman Abdishakur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta Mucaarad ku ah dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay sababaha uu u taageeri waayay go’aankii dowlada dalka uga ceyrisay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur ayuu kusoo bandhigay sadex arimood uu sheegay in sabab u yihiin in uu taageeri waayo go’aankii dowlada ku ceyrisay Danjire Nickolas Haysom.

Halkan ka Akhriso Qoraal Siyaasiga CC Warsame

Saaxibkey ayaa i waydiiyey maxaad u taageeri waysay go’aanka lagu eryey Ergeyga Qaramada Midoobay. Sow ma ogid in Somaaliya ay Soomaali leedahay oo dal madax banaan nahay. Waxaan ku iri haa waan ogohay, laakiin sedex sabab ayaan u taageeri waayey

1- Hadii Soomaaliya ay Soomaali leedahay, shacabka reer Koonfur Galbeed ee la laayey waa Soomaali. Ninkuna wax kale dawlada ma waydiinin ee maxaa shacabkaas lagu dilay ayuu ka dooday.

2- Hadii u isagu Ajnabi yahay, taangiga Itoobiya ee Shacabka Baydhabo lagu dilay waa Ajnabi kale. Ajnabiga wax dilaya ka aamus ama taageer, kii maxaa loo dilay yirina ka qayli isma qabato.

3- Tan madaxbanaaninada, hadii madaxda qarankeena iyo xuduudaha dalkeena ay AMISOM ilaaliso oo Heysom markii la soo magacaabay ee uu dalka imaanayey, dawladeena lagala tashan, salaan sharafna uu ciidanka AMISOM ka qaatay, immigration isaga u gaar ahna uu ka soo degey, Madaxweynaheena warqado aqoonsi u dhiibanin, ciidan Qaramada Midoobay ka socdaahina ay ilaaliyaan xagee madaxbanaanida taalaa. Sow marka hore In dayaca sidaas na baday in wax laga qabto maaha. Ma filaayo in isaga iyo kuwa la midka ah wax looga qaban karo warqad sedex sadar ku qoran iyo mudaaharaad meelo laga abaabulay.

Saaxibow anigu waxaanba u haystaa in qoraalka uu Heysom dawlada u diray uu ku doonayey in uu iyaga wax la qabto oo uu lahaa war nimanyahow baxarkaan ayaad ku jirtaane, isi sanceeya oo dhooqada lugaha kala baxa. Laakiin sida muuqata qolo aan u furi doonin ayaa kooxda talada haysa u rartay. Heysom ha tago ama ha joogo, su’aalaha iyo doodaha warqada ku qoran ee taciga xuquuqda bani’aadamka ka hadlaya kuwo haraya maaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -