Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa goordhaw magaalada Garawe kusoo bandhigay habraaca Doorashada iyo Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta tartameysa.
Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in 8-da bishan ka dhacdo magaalada Garawe, waxaana diiwaan galinta Musharaxiina ay bilaabaneysaa maanta oo sabti ah iyadoona ku egtahay beri oo axad ah.
Musharaxiinta u tartameysa Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa laga rabaa in ay bixiyaan lacag dhan 20-kun oo Dollar, halka Musharaxiinta Madaxweyne kuxigeenka laga rabo 10-kun oo dollar.
Halkan ka Akhriso Shuruudaha Doorashada
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com