Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hooyada Dhashay Paul Pogba oo xil muhiim ah loo magacaabay

Xiriirka kubadda Cagta ee dalka Guinea ayaa Yeo Moriba oo ah hooyada dhashay ciyaaryahanka Khadka Dhaxe uga Ciyaara Faransiiska iyo Man United ee Paul Pogba u magacaabay in safiir u noqoto xulka kubada cagta Haweenka ee dalka Guniea.

Mamadou Antonio Souare oo ah madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta dalka Guneia ayaa go’aansaday in safiir u magacaabo Hooyada dhashay Paul Pogba kadib kulan muhiim ah oo labada dhinac yeesheen.

Hooyada Paul Pogba ayaa nafteeda aheyd ciyaar yahan horey usoo matashay xulka Haweenka ee Guneia, waxaana shaqada loo dhiibay la filayaa in ay ka saacidaan sadexda wiil ay dhashay oo ah ciyaaryahano kawada ciyaara qaarada Yurub.

Yeo Moriba ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay xilka uu u magacaabay Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Guneia, waxa ayna sheegtay in ay shaqadeeda kasoo dhalaali doonto ayna la imaan doonto wax qabad lagu qanco.

Xulka Haweenka kubada cagta ee dalka Guneia ayaa kuwa aad u liita oon saameyn badan laheyn, waxaana xusid mudan in Xulka Haweenka dalkaasi aysan waligood usoo gudbin kana ciyaarin koobka Qaramada Afrika iyo kan Olombikada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray RW Abiy, Mustafe Cagjar & Axmed Shide? (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay in saakay dileen in ka badan 130 askari oo katirsan ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray Guddiga doorashada Gobolada woqooyi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---