Xiisad u dhaxeysa Ciidamo kawada tirsan dowlada oo ka taagan Muqdisho

Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in xiisad u dhaxeysa Ciidamo kawada tirsan dowlada ay ka taagan tahay Suuqa lagu iibiyo Ariga ee kuyaala Xaafada raadeelka ee Degmada Dayniile.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamo kawada tirsan dowlada ayaa isku hor fadhiya suuqaasi, waxaana gabi ahaan joogsaday ganacsigii saakay ka jiray Suuqa kadib markii ciidamo iska soo horjeeda Suuqa soo buux dhaafiyeen.

Ciidamada iska soo horjeeda ayaa la sheegay in ay yihiin ciidamo horey suuqaasi amaankiisa u sugayay oo shaqada laga eryay iyo ciidamo cusub oo shalay suuqaasi la geeyay.

Ciidankii horey ugu sugnaa suuqa ayaa ka biyo diidsan in laga wareejiyo Suuqa, waxa ayna ciidankaasi kasoo horjeesteen in Suuqa yimaadaan Ciidamo cusub uu keenay maamulka degmada Dayniile.

Sida aan Wararka ku helnay shalay ayaa suuqaasi waxaa ka dhacay is rasaaseyn kooban oon wax khasaaro ah geesan, waxaana hada laga cabsi qabaa ciidamada is hor fadhiya in ay dagaalamaan hadii aan xal deg deg ah la gaarin.

Masuuliyiin katirsan maamulka Degmada Dayniile oo la hadadalnay ayaa noo xaqiijiyay xiisada ka taagan Suuqa Ariga ee Degmada Dayniile, waxa ayna sheegeen in ganacsigii suuqaasi ka jiray in uu saakay hakad ku jiro.

Iska hor imaadka dhax mara ciidamada kawada tirsan Dowlada ayaa maalmahan kusoo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana inta badan ciidamada dagaalama yihiin kuwa qaab beeleed u abaabulan iyo kuwa kala shakiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -