Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurad ku burburtay duleedka Magaalada Pritoria ee dalka Koonfur Afrika (Daawo Sawirro)

Dayuurad ayaa goor dhow ku burburtay duleedka magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika sida ay sheegayaan wararka dalkaas naga soo gaaraya

Waaxda caafimaadka deg deg ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa barteeda Twitter-ka ku ku soo bandhigtay warar sheegaya in 20 qof ay ku dhaawacmeen shil dayuuradeed oo ka dhacay waqooyiga Magaalada.

Shilka ayaa ka dhacay degaan la yiraahdo Woonderboom oo uu ku yaallo garoon ay ku degaan diyaaradaha.

Faahfaahin lagama bixin sababaha keenay shiilkan iyo cida laheyd dayuuradan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaalida kunool Norwey oo Kulan soo Dhaweyn ah u Sameeyey R/W Kheyre (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Musharaxiin lacago badan laga qaaday kadibna loo diiday in la siiyo Shahaadada tartanka

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in uu dhisayo hay’ad cusub oo qaabilsan ka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---