Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Maxaa ka jira in Al-Shabaab ay dib ula wareegtay degaanka Tooratoorow?

Al-Shabaab ayaa sheegtay iney dib ula wareegtay degaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/hoose oo shalay ay qabsadeen ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa kumandoska ee loo yaqaan Danab

Saraakiisha ciidamada dowlada ee hogaaminayey howlgalka deegaankaas lagula wareegay ayaa waxaa ay sheegeen in ay qabteen Xubno uu ku jiray guddoomiyaha Maxkamada al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose, iyo xubno kale oo ka tirsanaa kooxdaas.

Hase ahaatee Warar saacadihii ugu dambeeyey ay Al-Shabaaba ku daabaceen Baraha Internet-ka ayaa waxay ku sheegeen in ciidamada Danab ay si nabadgelyo ah degaanka uga baxeen,isla markaana ay iyaga Magaalada dib ula wareegeen.

Ma jirto weli wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Saraakiisha Ciidamaa Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kalena lama hayo warar madax banana oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Kenya oo amaro culus ku soo rogay Masuuliyiinta dowladiisa

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi uu horkacayey Axmed Shide (Sawirro)

Caydiid Ali

Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo nidaam cusub ku soo kordhisay adeega ay bixiso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---