Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Musaveni oo sheegay in uu Jecel yahay Donald Trump

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa shaaciyay in aad u jecel yahay Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump, waxa uuna ku tilmaamay Madaxweynihii ugu fiicnaa ee soo mara Mareykanka.

Yuweri Musaveni oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga baarlamaanka Bariga Afrika ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu ku jecel yahay in uu yahay nin saraaxo badan oo runta u sheega Afrikaanta.

“Amerika waxa ay heshey madaxweynihii ugu wanaagsanaa ebed, waan jeclahay Trump sababtoo Afrikaanka runta ayuu u sheegaa. Afrikaanka waa in ay dhibaatooyinkooda iyaga xalistaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul dhawaan ugu gafay dadka Afrikaanta ah , waxa uuna sheegay in dadkaasi aysan mudneyn in ay tagaan Dalka Mareykanka.

Madax badan oo Afrikan ah ayaa si kulul u dhaleeceeyay hadalkii kasoo baxay Madaxweynaha dalka Mareykanka , waxaana hadalkaasi lagu tilmaamay mid cunsuriyad ka muuqato oo loogu gafayay dadka Afrikaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dowlada Somalia oo ka farxisay dhalinyaro ku rafaadsan dalka Liibiya

Caydiid Ali

Hotel ku yaalla degmada Baraawe oo la weeraray iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Caydiid Ali

(Sawirro) Xukun lagu riday Nin lagu helay inuu dilay hooyadiis, ka dibna cunay jirkeedii

Caydiid Ali
Taboola Ads ---