Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland oo la doortay

Musharax Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo dareed)   ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland.

Dhoobo ayaa wareeegii labaad ee doorashada helay 43 cod, halka musharraxa wareegga labaad kula tartamay ee Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod oo kaliya.

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee Puntland, xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa natiijada ku dhawaaqay.

Musharaxa looga guuleystay doorashada Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa hadal kooban oo uu jeediyay soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub, isagoo sheegay inuu ku qanacsanyahay natiijada ka soo baxday doorashada.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo)   oo guushiisa kaddib hadal jeediyay, ayaa ugu horrayn u mahadceliyay musharrixiintii la tartamayay, guddiga doorashada iyo dhinacyadii kale ee ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada.

Waxaa goor dhow bilabaneysa Doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamanka Puntland sida uu sheegay guddiga doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -