Doorashada gudoonka baarlamanka Puntland oo ka socota Magaalada Garoowe

Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa ka socota codbixinta doorashadda Gudoonka baarlamaanka maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa u tartamayaa 4 murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed), Cabdiraxmaan Cali Jibriil, Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Dhammaan raggan u tartamayaa doorashada guddoomiyaha Golaha wakiilada ayaa la sheegayaa in ay kala wataan murashixiinta madaxtinimada Puntland,taasoo la micnaha in natiijada maanta soo baxda ay saadaal u tahay doorashada madaxweynaha.

Wareegii koowaad ee codbixinta ayaa la soo gebagebeeyey, waxaana socota tirinta codadka, wixii ka soo baxa ee natiijo ah kala soco wararkeena ugu horeeya insha allaah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -