Hey’adda Hormuud oo Deeq raashiin gaarsiisay qoysaskii ka barakacay Guriceel (Sawirro)

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo ka jawaabeysa baahida  dadka ka  barakacay dagaaladii 4 maalin ee lasoo dhaafay ka socday degmada guriceel ayaa maanta gaarsisay deeq rashin oo iskugu jirta bur iyo bariis, waxaana deegaanada la gaarsiiyay ka mid ah: Fooleey, Saalax Dhadhaab, Dahir Fite, Ceel Baraf, Baraagta Tikaato, Godka Sheedeey, Baraagta Daameey, Xaarxaar.

waxaana deeqdaan la gaarsiyay ilaaa iyo dhowr degaaan oo hoos yimaada degamada guriceel oo ay ku qaxeen dadkaaan  iskaga cararay dagaalada maalmahaan ka dhacayay halkaas.

Qoysaaska ka faa’iideystay deeqdaan raashinka ah ayaa uga mahad celshay hey’adda Hormuud Salaam Foundation garab istaaga waxayna shegeen in ay xilgaaan aad ugu baahnaayeen deqdaan.

Masuuliyiin ka socday Shirkadda Hormuud ayaa sheegay in ay mar walba garab taagan yihiin dadkaan uu saameeyay dagaalka isla markaana sharaxay deeqdaan iyo waxa ay ka koobantahay

Ugu danbeyn Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasasa dagmada gurceel Abdishakur Indhaceel ayaa umahd celiyay shirkada hormuud wuxuu ganacsatada kale ee wax heysta ugu baaqay inay dhinacooda ka qeyb qaataan u gargaarida dadka ay colaaduhu saameeyeen.

- Advertisement -