Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad ku sifowday Islaam naceyb oo burburisay Masaajid dhisnaa Boqol sano ka badan (Daawo Sawirro)

Dowlada Myanmar ayaa burburisay Masjid weyn oo Taariikhi ah oo ku yiilay magaalada lagu magacaabo Mango.

Talaabadan oo la sheegay iny salka ku hayso ololaha baabi’nta meelaha Taariikhiga ah ee Islaamka oo ku yaalla dalkaasi.

Ciidamada dowlada Myanmar ayaa la sheegay iney galeen masjidkan ka dibna dumiyeen, waxaana la sheegay inuu  dhisnaa in ka badan 100 sano.

Waxaa ku cibaadaysan jiray masjidkan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi  ee Rohingya loo yaqaan waxuuna ku sameysanaa shamiinto iyo Dhoobo.

Mid ka mid ah hogaamiyeyaasha Muslimiinta Rohingya ayaa sheegay in Masjidkan uu ahaa mid astaan u ah Muslimiinta Rohingya ee dalkaasi Myanmar lana dhisay ka hor Gumeysigii dalkaasi qabsaday.

Ciidamada Mayanmar ayaa horey u dumiyey Masaajidyo kale oo ku yiilay dalkaas, waxaana dowladan oo aaminsan diinta Budhiistaha ay ku sifowday islaam naceyb aad u fogaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad badeed xabsi daa’in ugu xirnaa dal Carbeed oo lagu celiyey Boosaaso (Sawirro)

Caydiid Ali

Gaari dagaal ay leeyihiin AMISOM oo la gubay kadib weerar kedis ah oo lagu qaaday

Cabdi Cade

Dowlad Afrikan ah oo Ciidamo Keyd ah usoo direysa Soomaaliya si ay uga howlgalaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---