Iran , ayaa saakay mar kale weerar culus waxa ay ku qaadeen magaalooyin katirsan Israa’iil, waxaana gubanaya oo burburay dhismayaal badan oo kuyaalla magaalooyinka saakay Iran weerarka culus ee dhinaca cirka ah ku qaaday.
Gantaalo dhoor ah ayaa ku dhacay bartilmaameedyo kuyaalla magaalooyinka Tel AViv, Qudus iyo Heyfa, waxaana wali magaalooyinkaasi laga maqlayaa seuriga digniinta oo la damin, waxaana dhulka hoostiisa ku kala carary dadkii yaraa ee bannaanka joogay.
Weerarka Iran goordhaw ku qaaday Israa’iil, ayaa sababay in koonfurta dalkaasi qeybo ka mid ah ka tagto korontadii, markii Iiraan ay qarxisay mid ka mid ah xarumaha tamarta korontada ee koonfurta Israa’iil, sida ay ku dhawaaqday hay’adda tamarta Israa’iil.
Iran , ayaa sidoo kale goobaha ay saakay weerartay waxaa ku jira saldhigyo milatari oo ku dhow marinka magaalada Qasa ee ciidanka Israa’iil iyo xarumaha istaraarijiga oo ay halkaa ku leeyihiin ciidanka Israa’iil, sida uu weriyay telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 12.
Weerarka saakay Iran ku qaaday magaalooyin kuyaalla Israa’iil, ayaana sababay khasaarooyin kala duwan oon wali la shaacin, waxaana shacabka Israa’iil wali wadaan in dalkaasi isaga cararaan , iyaga oo kusii jiri waayay gododkii ay gabbaadka ka dhiganayeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com