Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyihii Ciidanka Danab oo xilka laga qaaday & taliye kale oo lagu bedelay

G/lle Ismaaciil  Cabdimalik Maalin Taliyihii ciidanka  Kumandooska Danab ayaa xilka laga qaaday, xili dhowaan shaqo joojin lagu sameeyey isagoo xabsi guri ku ahaa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho

Ismaaciil  Cabdimalik Maalin ayey dhawaanahan ay soo baxayeen Warar sheegayay inuu u xirnaa arrimo Siyaasadeed, iyadoo shaqo ka joojintiisa ay ka dambeysay Madaxtooyada Somalia maadaama uu xiriir dhow la lahaa RW hore Xasan Cali Khayre oo ay isku heyb yihiin.

Mareykanka ayaa horey walaac uga muujiyay shaqo joojinta Taliyihii Danab G/lle Ismaaciil  Cabdimalik Maalin, isagoo ka digay in Musuqmaasuq iyo qaraabo kiil lagu sameeyo arrimaha ciidanka ay dib u dhac ku keeneyso horumarka dib u habeynta Ciidamada.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Kumaandoska Danab ayaa waxaa loo magacaabay G/lle Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) oo horey u ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka Danab.

Villa Somalia ayaa ku fashilantay dedaal ay ku dooneysay in Taliyaha ciidanka Danab loo magacaabo Saciid Kampala oo horay u ahaa madaxii Hab Maamuuska Madaxtooyada oo Madaxweyne Farmaajo qaraabo la ah ka dib markii Mareykanku diiday, maadaama ciidanka DANAB ay yihiin Ciidan uu tababaray, isla markaana mushaharkooda iyo qalabkooda uu bixiyo Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Biixi iyo Saraakiil Ciidan oo gaaray Deegaano cusub oo Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo xariga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda..

Caydiid Ali

Itoobiya oo ka hadashay Wararka sheegaya iney bilowday buuxinta Biyo xireenka Nile

Caydiid Ali
Taboola Ads ---