Allbanaadir.com
NEWS

Saldhigyada Mareykanka oo Khaliijka oo heegan la galiyey

Mareykanka ayaa saldhigyadiisa ku yaala gobolka Barriga Dhexe, heegan sare galiyey, Muwaadiniintiisa ku sugan dalalka Khaliijka ayaana la faray inay gabaadyo ku dhawaadan, lana socdaan digniinaha ka imaanaya Safaaradaha dalalka ay joogaan.

Tan waxay ka dhigan tahay in Mareykanku hayo xog dhab ah oo ah in ay Iran go`aansatay in ay weeraro ku qaado saldhigyada Mareykanka ee gobolka.

Weerarada Aargoosiga Iran ee ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ee kusugan gobalka Barriga Dhexe ayaa dhici kara  labada maalmood ee soo socda sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa saraakiil amni oo labada dhinac ah.

Taliyaha guud ee ciidanka dalka Iran Sareeye Guuto Abdolrahim Mousavi ayaa xaqiijiyey in ay Iran ka jawaabi doonto weerarkii Mareykanka ku qaadeen xarumahooda Nuclear-ka.

“Jawaab la’aan ma jirayso insha Allaah, ciidamada Iran waxay sii wadi doonaan inay ku ciqaabaan Netanyahu si xoog ah, ilaa laga keeno quus iyo murugo” ayuu yiri Muosavi.

Related posts

Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda oo kunool Duleedka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Helicopter ku tagay Waragaadhi (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka iyo Soomaaliya oo Heshiis Is-afgarad oo quseeya Danab kala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---