Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabis iyo xil ka qaadis sameeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Benaadir, kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Siciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir u magacaabay Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan sarreynta sharciga iyo xallinta cabashooyinka caddaalad darro ee ka imaanaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xeerkan Madaxweyne oo ku saleysan Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juun 1962, ayaa dhaqan galay ka dib faafinta rasmiga ah ee maanta oo ku beegan 20-ka Bisha Oktoobar 2022.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amar cusub oo laga soo saaray xaasaska iyo caruurta xubnaha ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Daawo: Xildhibaan taageera Nabad & Nolol oo War yaab leh soo saaray & Warbixino kale

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---