Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Go’aankii dowlada Somalia ku ceyrisay Nicholas Haysom

Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeesay ka hadashay go’aankii dowlda federaalka Soomaaliya dalka uga ceyrisay Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Farhan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobay baaritaan ku wado sababaha kalifay in dowlada Soomaaliya soo ceyriso Wakiilkii Soomaaliya u joogay UN-ka.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay arkeen go’aanka dowlada federaalka kasoo baxay, waxa uuna xusay in ay isku dayayaan sidii ay u heli lahaayeen macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan talaabada dowlada Soomaaliya qaaday.

Dowlada Soomaaliya oo ka carootay Qoraal kasoo baxay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa si deg deg ah u soo saartay go’aan dalka looga saarayo .

 

Related posts

Ganacsatada Muqdisho oo ka cabanaya Dhac iyo boob lagu hayo Suuqa Bakaaraha (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Muxuu Qoorqoor kala hadlay culimada Soomaaliyed ee uu la kulmay? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga soo saaray Khasaaraha qaraxii Ex-Control & gurmadka socda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---