Muxuu Qoorqoor kala hadlay culimada Soomaaliyed ee uu la kulmay? (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa aqalka Madaxtooyada Dhuusamareeb ku qaabbilay qaar ka mid ah culimmada Soomaaliyeed oo soo gaaray magaalada.

Waxaa kulanka culimada ku wehlinayay wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Galmudug Mudane Xasan Cabdulqaadir Xuseen iyo xubno kale.

Culimada uu la kulmay oo ka yimid dalka Kenya ayaa waxaa ka mid ah Shiikh Xassan Al-Wajidi oo ka mid ah mashaa’iqda caanka ah ee Soomaaliyeed iyo qaar kale.

“Ujeedka imaanshaha culimmada ee deegaannada Dowladda Galmudug ayaa ah faafinta diinta, fadliga bisha Ramadaan iyo weyneynta Quraanka kariimka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Culimaaudiinkan oo safar ku maraya dhulka Soomaalida qeybo ka mid ah ayaa horey u soo maray maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle oo ay kula soo kulmeen madaxda Maamuladaas hogaamisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -