Labo Musharax oo u gudbay wareega Sadexad ee doorashada Madaxweynaha Puntland

Waxaa goor dhow la soo gebagebeeyey tirinta codadka wareega 2aad ee doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka socota magaalada Garowe.

Wareega labaad ayaa waxaa ku loolamay 3-da Musharax ee ugu  codadka badnaa wareegii koowaad oo kala ah Guuleed Saalax Barre, Abshir Huruuse iyo Saciid C/llaahi Deni

Musharaxiinta ayaa codadka u kala helay sidatan hoose sida uu sheegay guddiga doorashada:-

1-Guuleed Saalax Barre 17 cod
2-Abshir Huruuse 9 cod
3-Saciid C/llaahi Deni 40 cod

Guddiga ayaa sheegay in maadaama uusan jirin musharax guuleystay oo helay 44 cod, waxaa wareega 3aad u gudbay labada musharax ee ugu codadka badnaa wareega labaad kuwaasoo kala ah.

GUULEED SAALAX BARRE
SACIID C/LLAAHI DENI

labada musharax ayaa wareega 3aad ku kala bixi doona cod hal dheeri ah sida uu sheegay, waxaana bilabatay codeynta lagu kala saarayo musharaxiinta isku soo haray.

- Advertisement -