Allbanaadir.com
NEWS

Al-shabaab oo si buuxda ula wareegtay degaan ku yaalla duleedka Magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Af Urur oo aan ka fogeyn Buuraha Galgala ee duleedka Boosaaso.

Xoogaga la wareegay degaanka Af Urur ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwo aad u hubeysan, sida ay ku waramayaan dadka degaanka.

Degaanka Af-Urur ayaa horay waxaa u joogay Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland laakiin maalmihii dambe ayey halkaasi ka baxeen iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa in Ciidamada ay baneeyaan degaankaasi.

Dadka degaanka ayaa bilaabay iney halkaas ka barakacaan iyagoo ka cabsi in ciidamada Puntland ay soo qaadaan dagaal rogaal celin ah.

Maamulka Puntland kama hadlin wararka ku aadan al-shabaabka la wareegay degaanka Af Urur, inkastoo arintan si weyn looga hadal hayo magaalada boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Filish oo balan qaad u sameeyay Guddiga Doorashada Heer Federaal (Sawirro)

Cabdi Cade

Baraf aan horey loo arag oo ka da’ay degmoyin ka tirsan dhulka Soomaalida (Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya oo shaacisay in ay dishay dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---