Dalxiisayaal isku dul sawiraya Markab ay dhawwaan Afduubteen Xuutiyiinta (Sawirro)

Ciidamo katirsan kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa bishii hore afduubtay Markab nuuca ganacsiga ah oo lagu magacaabo Galaxy Leader , kooxda afduubka geesatay ayaana sheegay in Markabkan ay leedahay Israa’iil.

Xuutiyiinyta Yemen ayaa kahor inta aysan markabkan afduuban horey ugu hanjabay in ay weerari doonaan maraakiibta Israa’iil leedahay ee mara Badda Cas,waxa ayna Xuutiyiinta maalmo kaddib afduubteen marabkan ganacsi ay sheegeen in Iaraa’iil leedahay.

Maamulka Israa’iil ayaa durba beeniyay in markabkan afduubka loo heesto iyagu leeyihiin, dowladda Japan ayaana sheegtay in markabkan ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Japan oo lagu magacaabo Nippon Yusen.

Qaar kamid ah shacabka Yemen iyo xubno katirsan kooxda Xuutiyiinta ayaa bilaabay in markabka dushiisa u tagaan dalxiis, waxa ayna dadkan bilaabeen in sawirro kala duwan isaga soo qaadaan gudaha markabka iyo qeybtiisa kore.

Markabkan u afduuban Xuutiyiinta Yemen waxaa saarnaa 25 shaqaale oo u kala dhashay dalalka  Bulgaariya, Meksiko, Filibiin iyo Ukrain,shaqaalaha markabka waxaa wali gacanta ku haya kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Galaxy Leader waxa iska leh shirkadda Galaxy Maritime Ltd, taas oo ka diiwaan gashan Islen of Man. Waxaa iska leh Ray Car Carriers, oo ay wada leeyihiin ganacsade Israa’iili ah Abraham Ungar, sida ku cad dukumentiyada diiwaanka shirkadaha dawladda Isle of Man.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -