Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xubno kale oo maanta loo dooranayo Xildhibaano

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusomareeb ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada golaha Shacabka, waxaana maanta la dooranayaa in afar Xildhibaan.

Magaalada Baydhabo ayeyna si rasmi ah maanta ugu bilaabaneysaa doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka, waxaana maanta magaaladaasi lagu dooranayaa ilaa sadex Xildhibaan .

Xubnaha maanta lagu dooranayo magaalada Baydhabo lana sii ogyahay in ay soo baxayaan ayaa waxaa kamid ah Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Fowsiya Maxamed Sheekh .

Xildhibaanadan ayaana la sheegay in kuraasta ay ku tartamayaan loo xiray ayna wataan kaliya xubno malxiis ah oo doorashada u matala,mana jiraan wax tartan ah ay wajahayaan Xildhibaanada lagu dooranayo Baydhabo.

Dhinaca kale magaalada Dhuusomareeb waxaa ka dhacaya doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP#054, waxaana kursigan horey ugu fadhiyay mar kalana la filayaa in uu kusoo baxo Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo aad ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo.

Doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa noqotay sida doorashadii Aqalka Sare oo kale oo lasii ogyahay natiijada kasoo baxeysa iyo xubnaha la dooranayo, waxaana meesha ka baxday in ay dhacdo doorasho hufan oo lagu tartamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -