Ciidamo beeleedkii Xoogga ku galay Boosaaso oo ka baxay & Sababta ka dambeysa

Ciidamo iyo Maleeshiyo beeleed uu hogaaminayay Ciise Yulux oo maalmo ka hor magaalada Boosaaso xoog ku galay ayaa galabta ka baxay magaaladaas, ka dib xal iyo heshiis is afgarad oo laga gaaray sababihii keenay gadoodka.

Ciidamadaan oo watay tobaneeyo Tikniko ah ayaa ku laabtay Magaalada Carmo oo ku dhawaad 100-Km koonfur ka xigta magaalada Bosaso, halkaasoo ahayd fariisinkii ay markii hore ka soo dhaqaaqeen.

Dedaalo ay garwadeen ka ahaayeen Isimada gobolka Bari ayaa lagu guulaystay in xaaladda la dajiyo, dowladduna xal nabadeed ku dhameyso waxyaabaha keenay xiisadaas.

Xiisadan ayaa ka dhalatay khilaaf salka ku haya dano dhaqaale ka dib markii maamulka Puntland uu isku dayey inuu qandaraaska kala noqdo Hay’adda PDG u qaabilsanayd saadka ciidamada Badda Puntland.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay iska horimaad culus oo ka dhacay kontrolka magaalada Boosaaso maalmo ka hor kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo halkaas ku sugnaa iyo ciidamadan oo xiligaas ka yimid degaanka Carmo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -