Dowlada oo faah faahisay khaladaadka uu galay iyo sababta dalka looga eryay Nicholas Haysom 

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta dalka looga eryay iyo khaladaadka diblumaasiyadeed uu galay Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom .

Amb. Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Wakiilka Qararamada Midoobay uu hareer maray nidaamka iyo dhaqanka diblumaasiyadeed, waxa uuna xusay in uu u gafay qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Nicholas Haysom uu u dhaqmay sida qof madax ka ah Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay in marar badan danjiraha qaladaad wax u dhimaya qaranamida Soomaaliya uu sameeyay.

Waxa uu sheegay Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya in Danjiraha Qaramada Midoobay isaga oon la tashi la sameyn warqad u qoray  Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, waxa uuna xusay in Wasiirku ula hadlay sida in uu isagu maamulo.

“Marar badan ayuu qaladaad sameeyay, warar uusan dowladda kala tashan oo uusan hubsan ayuu sheegay, wuxuu waraaq u qoray Wasiirka Amniga, isagoo ula hadlayo sida nin isaga ka tala qaato, waa loo shaqeeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey in aan Wakiilka laga rabin Soomaaliya, kana shaqeyn karin”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Danjiraha Qaramada Midoobay wakiilka uga ah Soomaaliya ayaan wali ka hadlin go’aanka dalka looga eryay, waxaana go’aanka dowlada imaanaya maalin kadib markii uu soo saaray qoraal dowlada federaalka ka careesiiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -