Taageerada Galmudug iyo Xasaradaha Xamar Maxaa ka Dhaxeeya ?

35 Sano kadib waxaan fursad u helay in aan Caasimada cusub ee Galmudug ee Dhusamareb uga qeyb-galo soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo iyo Xafladii dhameystirka heshiiskii maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunnah 16 – 18 bishaan. Nasiib daro Dhusamareb dhismooyinkii iyo adeegyadii ay uga tagtey dawladii dhexe 1991 waxba laguma darin, waxeyna ku burburtay dagaaladii sokeeye ee dalka iyada oo ka muuqaal iyo adeegyo duwan Caasimadaha dawlad gobaledyada kale ayaa si hagar iyo kala har la’aan ah loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha Qaranka, Madaxweyneyaasha Gobalada iyo Safiirada Beesha Caalamka.

Qiimeynta mudadii aan joogay ii muuqatay;1. In reer Galmudug taageera buuxda u hayaan dawlada fedaraalka iyo Madaxdeeda kadib markii ay si aan kala har laheen ugu soo dhaweeyeen Gaalkacyo, Gelin-soor, Cadaado, Godinlabe, Dhusamareb, Guri Ceel, Balanbal, Xeraale, Cabudwaaq iyo Hobyo, waana safarkii ugu dheeraa ee Madaxweyne kusoo maro gobaladaas tan iyo 1991.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo maamulka cusub ee Galmudug ayaa balanqaaday in bilo yar gudahood lagu soo celin-doono gacanta maamulka degmooyinka bariga Galmudug oo ay weli haystaan Al-shabaab sida; Ceel-buur, Ceel-dheer, Xarar-dheere iyo Gal-hareeri, waxaana been noqotay taariikhda Galmudug ee lala xiriiriyo mucaaradka dawlada laga soo bilaabo koofiya-dhuub ilaa maanta, markii ay muujiyeen Jaceylka iyo himilada ay u qabaan dawladnimada iyo taariikhdii ay ka qaateen halgankii Xorriyada iyo dawlad-dhiska Somaliya.

2. Reer Galmudug waxaa ka muuqatay Somali jaceyl, midnimo jaceyl iyo dawlad jaceyl kadib markii ay meel iska dhigeen Calamadii kale, kuna soo dhaweeyeen Madaxweynaha Calanka Soomaaliya kaliya, markii laga reebo hal calan oo gaaban oo la suray madaxtooyada Galmudug kadib maalintii Xaflada midawga labada maamul la ansixiyey.

3. Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada reer Galmudug oo ka door-biday deegaankii ay kasoo jeedeen Caasimada Muqdisho oo ay maal gashadeen madaxna ka noqdeen, halka ay Galmudug u dib dhacday Hoggaan la’aan iyo Hanti la’aan, waxaana isku raacnay ganacsato reer Galmudug ah oo Xamar ku leh ilaa 10 daarood, halka Dhusamareebna aysan ku laheen Villa kaliya.

4. Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo loosoo dhaweeyey heer ka sareeya sida loosoo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxda gobalada kale taa oo ku tuseysa saameynta iyo kaalinta ay Muqdisho ku leedahay Galmudug Posative ama Negative.

5. Xildhibaanadii iyo Siyaasiyiintii reer Galmudug ee xoog u joogay Gobalka sanadkii hore ee xilligii doorashada ayaa laga waayey xilligaan Gobalka in yar mooyee! soo dhaweyntii Madaxweynaha iyo dhameystirkii midnimada. Xilli hawl looga baahnaa Gobalka, fasaxna ay ku jireen ayaa la waayey, dhaan ka dhuumad miyaa mise cid ayey ku xummeynayeen?.

Hadaba Galmudug iyo Caasimadeeda cusub waxey u baahantahay in ay aaminaan Siyaasiyiinteeda iyo Gancsatadeedu in ay wanaag iyo horumar ku hogaami karaan, maalna gashan karaan iyo la kala reebo Siyaasada Xamar iyo Galmudug!.

W/Q Maxamed Nuur Gacal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -