Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qays Saciid oo Ra’isul Wasaare Xamse kusoo dhaweeyay Shirka TICAD (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa  saakay madasha shirka caalamiga ee TICAD8 ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid, oo martigelinaya shirka oo si rasmi ah maanta uga furmay caasimadda Tunis.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay shirka Caalamiga ah ee Japan iyo Afrika ee la yiraahdo TICAD , shirkan ayaana diirada lagu saarayaa xiriirka waddamada Afrika iyo Japan.

Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa in shirka ka jeediyo khudbad ku aadan xaalka Soomaaliya , waxaa sidoo kale Ra’isul wasaaraha la filayaa in uu kulamo la qaato qaar kamid ah madaxda shirka ka qeybgaleysa.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qaybgalaya shirka waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha,  Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo loogu baaqay in uu cafis ka dalbado Ciidanka kumaandooska Danab

Cabdi Cade

Maraykanka iyo Israel oo ka fekeraya dhismaha Maamul-Gobaleedka Qasa iyo Ururka Xamaas oo…

Cabdi Cade

(Xog) Qoorqoor oo xilka Raisul Wasaaraha loo balanqaaday & Farmaajo oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---