Nin u dhashay Sacuudiga oo gabar uu guursan lahaa ku waayey sabab lala fajacay

Maxkamad ku taalla dalka Saudia Arabiya ayaa xukuntay in haweeney dalkaasi u dhalatay aanay guursan karin nin ay ragga ka soo xulatay sababo lagu sheegay inuu miyuusic garaacay.

Garsoorka ayaa ninkaasi waxay u arkeen in diin ahaan uusan gabadhaasi u qalmin. Go’aanka maxkamadda ayaa waxa taageeray aragtida qaraabada haweeneyda kuwaasoo ka soo horjeestay guurka.

Dad badan oo reer Sacuudi ah, ayaa waxa ay jecelyihin muusiqa balse waxaa jira qaar kale oo ay ku weyntahay boqortooyada qadiimiga ah ama diinta islaamka , taas oo muusiqa mamnuucday.

Waxa ay u arkaan in uu yahay dhaqan diinta Islaamka ka soo horjeeda,waxa ayna yasaan dadka heesaaga ah amaba garaaca muusiqa.

Kiiskan maxkamadda ayaa ku saleeysan in qoyska gabar aan magaceeda la sheegin ay ka so horjeesteen qorsheheeda ah in ay guursato nin garaaca qalabka muusiqada.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in gabadha qaraabadeeda ay ku doodayaan in qofka heesaaga ah uusan diinta Islaamka ku dhaqmin.

Haweeneydaan ayaa ah maareeya bangi, waxa ayna maamushaa shaqaale badan. Haseyeeshee nolosheeda qaaska xor uma ay aha oo waa ay adagtahay in ay gaarto go’aaneeda gaarka u ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -