Iska Hor imaad Khasaaro geestay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Waxaa iska hor imaad khasaaro dhaliyay oo u dhaxeeyay ciidamo ku labisan dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya uu maanta ka dhacay Suuqa Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa ku waramay in ciidamadan ay rasaas isku dhax dhaafsadeen gudaha Suuqa Kaaraan, waxaana inta la xaqiijiyay iska hor imaadkaasi ku dhintay Haweeney ganacsato ah halka qof kalana uu ku dhaawacmay.

Ciidamadii hubeesnaa ee ku dagaalamay Suuqa Degmada Kaaraan ayaa goobtaasi isaga tagay, waxaana Suuqa gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo wada baaritaano ku aadan iska hor imaadkaasi.

Iska hor imaadka dhax mara askarta xiran dareeska Ciidanka dowlada ayaa kusoo badanaya Muqdisho, waxaana shalay labo iska hor imaad oo khasaaro dhaliyay ka kala dhaceen Degmooyinka Shibis iyo Howl Wadaag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -