Daryeel haloo raadiyo Labada Halyey ee Cabey iyo Maxamed Sheekh (Daawo Sawirro)

Waxaa soo yeertay arin yidiidilo leh oo ah wax lagu farxo sababtoo ah waxaa dib loo hawl geliyey mid ka mid ahNaadiyadii Ehelka u ahaa Kubadda Cagta ee Soomaaliya. Kasoo ah Naadigii Kubadda Cagta ee Madbacadda Qaranka, waxaa la aasaasay 1976-dii waxaana markii dambe ku soo biiray Bangiyada iyo Ceymiska  oo magacii Madbacadda waxaa loo bedeley (MBC club)  oo loo soo gaaabiyey  Madbacadda, Bangiyada iyo Ceymiska .

Waxaa soo maray Ciyaartoy Magac iyo Mansabba ku lahaa Naadiga iyo Xulka Qaranka Soomaliya waxaana ka mid ahaa. Nuur Amiin, Muriidi Abba Nuur, Eenoow, Cabbeey, Maxmed Shiikh, Karaama Dhegey, Arjantiin, Cabdiraxmaan Uus Qiyaamo, Tafare Amxaar iyo kuwo kale. Waxay lahaayeen  taageerayaal jidbeysan oo aad u badan, waxaan ka xasuustaa Wasiirkii hore ee Hidaha iyo Tacliinta Sare Axmed Ashkir Bootaan iyo Al-Fanaan Xasan Aadan Samatar. intii ay jireen waxay ku guuleysteen inta aan ka ogahay Hal Horyaal iyo Hal Jeneraal Daa’uud .

Ciyaartooydaas soo halgamey waxay isugu jiraan kuwo dhintay, kuwo dalka debeddiisa ku nool iyo kuwo ku dac dareysan Soomaaliya, Inta aan ogahay Magaaladda Muqdisho waxaa ku dhibaateysan oo gargaar daryeel iyo mid caafimaadba u baahan CABEEY oo difaaca uga ciyaari jirey MBC iyo MAXAMED SHIIKH oo khadka dhexe ahaa.

Wasaaradda Warfafinta iyo Madaxdeeda oo ku dhawaqay dib u hawl gelinta Naadiga Madbacadda Qaranka waxaa la gudbon iney daryeel wanaagsan u radiyaan labadaas ciyaartooy oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho,  kuwaas oo xaq ku lahaa Naadiga dib loo yegleelay si Naadigu hadda u soo jiito Taageerayal la mid ah ama ka badan kuwii hore..

WQ. Cabdinaasir Xersi Iidle.

00252-615503978.

Naasirx1@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -