Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Muqdisho oo saakay wax badan ka badelan sidii hore

Magaalada Muqdisho ayaa saakay xaaladeeda tahay mid aad u dagan, waxaana inta badan furan oo si caadi ah loo marayaa wadooyinka magaalada gaar ahaan kuwii xirnaa labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Shacabka Muqdisho ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay dareemayay culees, waxaana inta badan xirnaa Wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada oo loo diiday in ay maraan gaadiidka gaar ahaan Wadooyinka Wadnaha iyo Maka Al Mukarama.

Ciidamo badan oo isugu jira Nabad sugid iyo booliis ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay lagu arkayay Wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaa oo xaqiijinayay amaanka looguna tala galay in ay ka hortagaan dibad baxyo laga cabsi qabay in ay magaalada ka dhacaan.

Shacabka Muqdisho oo labadii maalmood lasoo dhaafay ka wal walasnaaa xaalada Siyaasadeed iyo wadooyinka la xiray ayaa hada si caadi ah xaaladooda kusoo labaatay, waxa ayna shacabka si weyn usoo dhaweeyeen is badalka lagu sameeyay maamulka gobolka.

Xaalada ayaa si caadi ah kusoo laabatay kadib markii uu aqbalay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed xil ka qaadistii lagu sameeyay, waxaana hada meesha kasii baxaya hadal heyntii ku aadaneyn xiisadii gobolka ka taagneed.

Waxaa wali Ciidamo badan joogaan xarunta Dowlada hoose ee Xamar oo maalintii labaad wax shaqo ah aysan ka socon, ciidamada ayaana ogoleyn in gudaha loo galo xarunta Dowlada Hoose.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan dambe aheyd mid xasiloon oo ka nasatay qaraxyadii iyo dilalkii badnaa ee ka dhici jiray, waxaana magaalada hada kusii socotay horumar iyo xasilooni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo howlgal cusub oo halis ah ka bilaabeysa Gaza

Caydiid Ali

Kursigii Sheekh Shariif la siiyay iyo kursi kale oo la isku heesto oo doorashadiisa dib loo dhigay

Cabdi Cade

Dowlad si qarsoodi ah u siisay Ururka Xamaas Diyaarado iyo Qalab kale oo casri ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---