Allbanaadir.com
NEWS

Ronaldo oo muraayad isku Fiiriyay garoonka dhexdiisa iyo Warbaahinta oo hadal heysa (Daawo Swairro)

Xidiga caanka ah ee Cristiano Ronaldo ee u ciyaara Kooxda Real Madrid ayaa xalay dhibaato Madaxa kasoo gaartay ciyaar kooxdiisa la ciyaareysay kooxda Deportivo ee ka ciyaarta Horyaalka Laliga.

Mid kamid ah Ciyaartoyda kooxda Deportivo ayaa dhaawac ka gaarsiiyay Madaxa C.Ronaldo, waxaana mar qura Warbaahinta iyo dadkii ciyaarta daawanayay soo jiidatay hab dhaqan cusub uu sameeyay Ronaldo.

Ronaldo ayaa si lama filaan ah Telfoonka gacanta uga qaatay Dhaqtarkii daaweenayay, waxa uuna shaashada Kaamirada isku fiiriyay si uu u arko dhibaatada soo gaartay iyo dhiig xiligaasi ka socday xili ay ciyaarta socotay.

Daadihiyeyaasha barnaamijyada isboortiga qaarkood ayaa ku maadeystay, iyada oo dadka qaarkood ay soo qoreen “Marka aad ku guuleysato 7-1 gool, balse sawirkii aad gali lahayd ciyaarta kadib uu wajiga kaa halaabo”.

Warbaahinta Caalamka gaar ahaan kuwa ciyaaraha ka falanqooda ayaa si weyn arintan u hadal haya, waxa ayna Ronaldo ku tilmaameen in uu yahay  nin xarago jecel, islamarkaasna jirkiisa naashnaasha kuna mashquula in uu is fiir fiiryo.

 

o

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku dhowaad boqol qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dibed-baxa Somaliland

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Maxkamad saakay Go’aan ka gaartay Dacwadii u dhaxeysay Aadan Barre iyo Faarax Macalin

Cabdi Cade

(Sawirro) Xasan Shiikh oo ka qeyb-galay shirka Q/Midoobay ee la dagaallanka cunto-yarida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---