Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo dhac iyo dhibaato kalaba ku hayay shacabka Muqdisho oo lasoo qabtay (Sawirro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen Qaar kamid ah Degmooyinka gobolka Banaadir kusoo qabtay burcad hubeesan oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba ku hayay shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Burcadan hubeesan ee gacanta lagu soo dhigay ayaa xirnaa dareeska ciidanka dowlada, waxa ayna dadka ku dhacayeen qoryo AK47, bostoolado iyo toorey, waxaana burcadan qaarkood lasoo qabtay iyaga oo dhac geesanayay.

Afhayeen u hadlay booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta kusoo dhigeen burcad dhac ka geesaneysay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay  in howlgalada burcada lagula dagaalamayo sii socon doonaan.

Burcadan lasoo qabtay iyo hubkooda ayaana loo soo bandhigay Warbaahinta, waxaana saraakiisha ciidanka boooliiska sheegeen in burcadan lasoo qabtay maxkamad la horgeyn doono si cadaalada loo marsiiyo.

Qabashadan burcadan ayaa kusoo aadeysa xili magaalada Muqdisho dhaca moobeelada kusoo bateen, waxaana burcada oo markii hore habeenkii wax dhaci jiray bilaabeen in malaintii xitaa dhac u geestaan dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/uHYqzHrKrDk

Related posts

Xaalad adag oo soo wajahday Yurub ka dib talaabo uu qaaday Ruushka

Caydiid Ali

Diyaarad Israa’iil leedahay oo ku burburtay magaalada Qasa iyo xamaas oo…

Cabdi Cade

Shirkada Boeing oo Magdhaw siineysaa dadkii ku dhintay Shilalkii Itoobiya iyo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---