Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la dhaariyey, Guddoon KMG ahna doortay

Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa maanta lagu dhaariyey xaruntooda magaalada Garoowe, iyagoo dhinaca kale doortay guddoon kmg ah.

Markii la dhaariyay ka dib ayaa waxaa loo qeybiyay aqoonsiga cadaynaya xubinimada Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Xubnahan ayaa guddoomiye ku meel-gaar ah u doortay Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn inta laga dooranayo guddoonka rasmiga ah.

Ammaanka xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland  ayaa aad loo adkeeyay iyadoo gabi ahaanba la xiray waddooyinka soo gala xaruntaasi.

Labo maalin kadib ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada  ay doortaan Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -