Dab qabsaday Keymaha Turkiga oo xoogeystay & Erdogan oo amar bixiyey (Sawirro)

Qeybo ka mid ah dalka Turkiga waxaa kusii faafaya dab xooggan oo baabi’iyay dhul keyma ah oo hodon ku ahaa duurjoogta.

Madaxweynaha dalkaas Erdogaan ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay u xakameyn lahaayeen gubashada keymaha ayna u ogaan lahaayeen waxa sababay.

Kumanaan ka tirsan ciidamda dab damista Turkiga oo wata 45 diyaaradood ayaa isku dayaya in ay damiyaan illaa 1140 goobood oo uu dabkani ka kacay, waxaana illaa hadda la soo weriyey dhimashada tobaneeyo qof, halka Ā qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Turkiga dabka ayaa ku faafay degmooyin dhaca Koonfurta wadanka balse inta badan gobollada wadanka ayaa gubasho laga soo sheegay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa baaritaannada arrintan u xilsaaray Wasaaradda arrimaha gudaha iyo sirdoonka wadankaasi

Warbaahinta taageerta dowladda ayaa falkan ku eedeeysay inay mas’uul ka yihiin dagalayahanadda xisbiga Shaqaalaha Kurdiyiinta PKK oo dagaal labaatameeyo sano qaatay kula jira dowladda Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -